Aqsa Online (Aqsa Media Center)
Aqsa Online
HomeHome   Date: Warar kii udambeeyay: SHUHADADII GAZA OO MARAYA 660 SHAHIID IYO XASUUQII YUHUUDA EE ISKUULADA Q/MIDOOBAY OO AY KU SHAHIIDEEN 43 QOF .:: MUQAAWAMADA FALISTIIN OO DHISHAY KU DHAWAAD 10 ASKARI OO YAHUUD AH .:: KHAALID MISHCAL OO CADAWGA YUHUUDDA UGA DIGAY DAGAAL XAGA DHULKA AH .::
Aqsa Online (Aqsa Media Center)
Maqaalo
DAGAALKA HUB KADHIGISTA AH EE LAGU HAAYO GAZA

TAARIIKHDA AL-SAHIID NASAR RAYAAN OO KOOBAN

CAGA JUGLEEYNTA YUHUUDDA EE KU AADAN GAZA MAXAY SOO KORDHIN KARTAA?

YAA U MAQAN GAZA?!

YUHUUDDA OO JIRDIL BA’AN KU HEYSA DADKA QAFAALAN EE REER FALASTIIN

YUHUUDDA OO DAMACSAN IN AY GOOB CIBAADO KA DHISTO AL-AQSA HAREERAHIISA

HAY’ADDA QUDUS OO SOO SAARTAY WARBIXIN KU AADAN MUNAASABADII GUBITAANKA MASJIDKA AL-AQSA(Qeybtii 4aad)

HAY’ADDA QUDUS OO SOO SAARTAY WARBIXIN KU AADAN MUNAASABADII GUBITAANKA MASJIDKA AL-AQSA(Qeybtii 3aad)

HAY’ADDA QUDUS OO SOO SAARTAY WARBIXIN KU AADAN MUNAASABADII GUBITAANKA MASJIDKA AL-AQSA(Qeybtii 2aad)

HAY’ADDA QUDUS OO SOO SAARTAY WARBIXIN KU AADAN MUNAASABADII GUBITAANKA MASJIDKA AL-AQSA(Qeybtii 1aad)

DAGAALKA HUB KADHIGISTA AH EE LAGU HAAYO GAZA

Mudo dhan 3 sano ka hor ayey eheyd markii ciidan Yuhuudda ah ay isga baxeen deegaano dhowr ah oo ay ka haysteen Marinka Gaza, ka dib ku dhawaad 30 sano oo ay haystaan goobahaasi.
hasayeeshee jihaad dheer ka dib waxa ay muqaawamada reer Falastiin ay ciidamada yuhuudda ku qasbeen in ay isaga baxaan dhamaan goobihiin ay ka haysteen Marinka Gaza, bishii Sibtmper ee 2005.

markaasi oo Ra’iisal wasarihii hore ee yuhuudda Aryal Sharun uu ka quustay in uu dib ugu soo laabta Marinka Gaza, asiga oo xooga saaray heysashada Daanta Galbeed oo ilaa iyo hada gacanta Yuhuudda ku jirto.

In kasta oo ay ciidamada yuhuudda ay isaga baxeen deegaanka Gaza, hadana taasi ma eheyn mid hor seeday in gabi ahaan ay Gaza ka madaxbanaantahay heysashada yuhuudda, oo iyaga heeysta dhulakii kale ee Falastiin, taasi oo uu macnaheedu yahay in ay Yuhuudda koontaroolayso dhamaan marinada ay Gaza aduunka kale xiriirto marka laga reeba Marinka Rafax oo ku yaal xadka u dhaxeeya Gaza iyo Masar.

WEERARO GAADMO AH

Mar hadii ay Yuhudda ku fashilantay in ay hubka ka dhigto dadka reer Gaza, gaar ahaan ururka Xamaas oo ah xaraka si weyn uga soo horjeeda Yuhuudda, ayaa waxa ay Israa’iil sii waday weeradeeda gaadmada ah oo ay ku hayso marinka Gaza kuna beegsanaysay hogaanka Xamaas,

hasa yeeshee duqeymahaas oo xiliyo kala duwan dhacayay khasaarooyin badana geeystay oo ay Xamaas ku weeysay hogaamiyaal sar sare sida Sheekh Axmed Yasin oo ahaa ninkii aasaasay Xamaas, hadana taasi ma eheyn mid wax tar u leh yuhuudda, oo waxaa sii batay naceybka looqabo yuhuudda,waxaa sidoo kale kordhay weerarada ay Muqaawamada Falastiin la beegsanayaan goobaha ay Israa’iil xoogga kaga haysato dadka Falastiin iyo waliba hoowlaha naf hurnimada ah.

MARXALAD CUSUB

2006 bishii labaad waxaa ka dhacay dhulka Falastiin gaar ahaa Gaza iyo Daanta Galbeed doorashooyin baarlamaani ah. doorashooyinkaas oo ay ururo badan ku tartamayeen, ayaa waxaa ugu cad cadaa labada Urur ee kala ah Xamas iyo Fatax oo ah labo Urur oo si weyn isaga soo horjeedda siyaasad ahaan, doorashooyinkaas oo ay goob joogayaal ka ahaayeen kormeerayaal caalami ah oo uu horkacayay Madaxweeynihii hore ee Mareynkanka Jemy Carter, ayaa waxaa si weyn ugu soo baxay Ururka Xamaas oo helay kuraas dhan 74, ayada oo tirade guud ee kuraasta golahaasi ay tahay 132 kurisi.

Gushaan balaaraan ayaa waxa ay eheyd mid lama filaan ah oo xitaa Xamaas lafteeda sedan uma filayn, hase yeeshee kormeeriyaashii caalamiga ahaa ayaa waxa ay isku raaceeyn in ay ahaayeen doorashooyinkaan kuwo dimoqraadi ah oo u dhacday si hufan taasi oo aan wali ka dhicin dunida Carabta.

Ka dib jiitan xoogan oo ha kad galiyay in la dhiso xukuumad wadaag ah oo ay u dhanyihiin dhamaan Ururada Falastiina ayaa waxa la unkay Xukuumad midnimo Qaran 8-2-2007, ka dib markii la diiday xukuumada ay Xamaas soo dhistay bishii March 2006.

hasa yeeshee xukuumadaan cusub oo ay u dhamaayeen dhamaan qeybaha siyaasada ee Falastiin ma noqotay mid ay Israa’iil aqbashay dunidana raali ku noqotay. waa su’aal aan kaga jawaabi doono faaladeena qeybta 2aad hadii Alle idmo.

Aqsa Media Center

lasoco Qeybta 2aad

Aqsa Online (Aqsa Media Center)
©All Rights Reserver Aqsa Online
Designed by :SOSTEC